Laacib katirsan Liverpool oo soo bandhigay Arin ku saabsan Mustaqbalkiisa

0

Xiddiga da’da yar ee kooxda Liverpool, Rio Ngumoha, ayaa ka hadlay wada-hadallada la xiriira qandaraaskiisa cusub, isaga oo muujiyey inuu ku qanacsan yahay sida ay arrimuhu u socdaan.

Ngumoha ayaa sheegay in wada-hadallada qandaraaska uu u daayay wakiilkiisa, isla markaana uu aaminsan yahay in wax walba si wanaagsan u socdaan, inkasta oo uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin waqtiga heshiiska la dhammeystiri karo.

Advertisment

“Wax walba hadda waxay ku jiraan gacanta wakiilkayga. Waxaan u maleynayaa in arrintu si wanaagsan u socoto,” ayuu yiri Ngumoha.

Markii wax laga weydiiyey xaaladda qandaraaska iyo halka ay wax marayaan, ciyaaryahanka da’da yar ayaa caddeeyey inuusan doonayn inuu arrintaas si weyn uga fikiro, maadaama uu doonayo inuu diiradda saaro horumarkiisa garoonka dhexdiisa.

“Si dhab ah uma hubo faahfaahinta oo dhan. Waxaan kaliya u oggolaanayaa kubadda cagta inay iga hadasho. Waxaan ku raaxaystaa ciyaarista, waxyaabaha kalena maskaxdayda kuma badna,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here