La Ogaaday: Xiddig Ay Maamulka Liverpool Doonayeen Badalka Darwin Nunez Oo La Ogaaday.

Xiddiga Darwin Nunez ayaa ku dhibaatoonaya kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Uruguay ayaa khasaariyay 30 fursadood ilaa haatan xilli ciyaareedka premier League.

Klopp ayaa ka tagaya kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana la ogaaday sir badan oo ku saabsan heshiiskii uu Nunez ugu soo biiray Liverpool.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Klopp yahay shaqsigii ka dambeeyay in ay Liverpool la soo saxiixato Nunez.

Laakiin Maamulka Liverpool ayaa markii hore doonayay saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Christopher Nkunku

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga