La Ogaaday: Man United Oo Diiday Dalab Laga Soo Gudbiyay Saxiixa Antony Maalintii Ugu Dambaysay Suuqa?

Real Betis ayaa lagu soo waramayaa in ay ku fashilantay in ay amaah kula soo wareegto weeraryahanka Manchester United Antony maalintii ugu dambaysay ee suuqii xagaaga.

24-sano jirkaan ayaa ku dhibtooday labadii xilli ciyaareed ee uu ku sugnaa Old Trafford, waxaana la rumeysan yahay in Red Devils ay u furan tahay in ay iska iibiso xiddiga.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Real Betis ayaa isku dayday inay amaah kula soo wareegto Antony ka hor inta uusan suuqa xirmin, laakiin Man United ayaa diiday dalabka kooxda La Liga.

Musharka aadka u badan oo la filayo in uu yahay 200 kun oo Gini todobaadkii ayaa la rumaysan yahay in uu ahaa sababta ugu weyn ee fashilisay heshiiska.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga