La Ogaaday: Go’aanka Liverpool Ee Luis Diaz Oo La Ogaaday Kadib Xiisihii Ay U Muujisay Anthony Gordon.

Liverpool ayaa dhawaanahan si weyn loola xidhiidhinayay xiddiga Newcastle ee Anthony Gordon.

Taasi waxay keentay in taageerayaasha qaar ay is waydiiyaan hadii ay Reds raadinayso badalka Luis Diaz.

Xiddiga reer Colombia ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay wargayska The Athletic, Liverpool ayaan wax niyad ah u hayn in ay iska iiibiso Diaz xagaaga.

Reds ayaan wali helin wax dalabyo ah oo ku aadan xiddiga isla markaas ma doonayso in ay wakhti dhaw iibiso xiddiga oo ay u aragto xiddig muhiim u ah kooxda.

Diaz ayaa 51 kulan u saftay Liverpool xilli ciyaareedkii hore, isagoo u dhaliyay 13 gool, caawiyena ka ahaa shan gool. Waxa uu haatan Colombia uga qayb galayaa Copa America, waxaana uu door muhiim ah ka qaatay inay u soo gudbaan wareega 8da.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga