
Florian Wirtz ayaa sii dhawaanaya in uu lacag rikoodh ah uGu biro Liverpool iyada oo wararka ka imanaya Germany ay aaminsanyihiin in heshiiska la dhamaystiray.
Wirtz ayaa 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ku ciyaarayay Stuttgart iyada oo Germany ay guuldaro 2-0 ah kala kulantay France Axadii ciyaar ka tirsanayd kaalinta saddexaad ee tartanka UEFA Nations League, iyada oo jariirada Jarmalka ee Bild ay sheegtay in labada Reds iyo Bayer Leverkusen ay ku farxeen in xiddigu baxay dhaawac la’aan.
Sababta ayaa ah in Leverkusen ay hadda ku xisaabtamayso in heshiiska la dhammeeyo sida Liverpool oo kale, iyadoo kooxda Bundesliga ka dhisan ay hadda sugayso dalabkii ugu dambeeyay ee Reds ka dib markii ay wada xaajoodyo adag yeesheen.
Liverpool ayaa ka gudbin doonta dalab cusub oo 118 milyan oo euro ah si ay u hesho Wirtz, taasoo ka dhigeysa ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee ay la soo wareegto koox British ah.
Heshiisku wuxuu ka koobnaan doonaa lacag go’an oo horudhac ah oo lagu sheegay inay ka badan tahay £ 100m, inta soo hartayna waxay noqon doontaa gunooyin.
Dalabka ayaa weli hooseeya lacagta ay Leverkusen doonayso oo dhan 126 milyan oo euro laakiin labada kooxood ayaa ku qanacsan in heshiis la gaadhi doono.
Bild ayaa intaa ku dartay in Wirtz uu u saxiixi doono heshiis shan sano ah oo uu ku sii joogi doono Anfield si uu ugu sii xidhnaado ilaa sanadka 2030, ka dib marka la dhamaystiro qaab dhismeedka heshiiska uu fasaxa u aadi doono isagoo ah ciyaartoy Liverpool ah.
Wargayska ayaa intaas ku daray In Wirtz soo xaadiri doono tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub isla markaas kulankiisa uGu horeeya ee Liverpool ciyaari doono 12 Bisha July kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto Preston North End.
Be the first to comment