Kooxda Al-Nassr Oo Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaysa Liverpool & Qorshohooda Oo La Ogaaday.

Al-Nassr ayaa lagu soo waramayaa ay doonayso in ay Virgil van Dijk ka dhigto “difaaca ugu mushaarka badan adduunka” iyagoo qorsheynaya weerar cajiib ah.

Daafaca reer Holland ayaa 33 jir noqon doona bisha soo socota waxana uu galayaa sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Liverpool.

Waxa uu ku sugnaa Anfield tan iyo 2018 waxana uu ka caawiyay Reds in ay guulo badan gaadho intii uu joogay kooxda.

Marca ayaa sheegtay in Al-Nassr ay weerar suuqa ah ku qaadayso Liverpool iyaga oo haatanba wadahadalo la qaatay wakiilada Van Dijk si ay ugala hadlaan mustaqbalkiisa.

Wargayska reer Spain ayaa sheegaya in kooxda Al-Nassr la kulantay wakiilka xiddiga una soo bandhigtay heshiis uu ku noqon doono daafaca ugu mushaharka badan adduunka.

Al-Nassr ayaa doonaysa in ay Van Dijk ka garab ciyaarsiiso iddiga Aymeric Laporte kaas oo haatan u ciyaara kooxda reer Sucuudi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga