Kooxaha Premier League Oo U Codeeyey Sharci Dhabarka Ka Jabinaya Chelsea

Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa meel-mariyey sharci cusub oo dhabarka ka jabinaya Chelsea, kaas oo ay ku beddeleen sharcigii hore ee suuqa iibka ciyaartoyda ee kooxaha horyaalka Premier League.

Sharcigan ayaa saamayn weyn ku yeelan doona Chelsea oo muddadii uu maamulayay Todd Boehly kharash-garaysay lacag ka badan £1 bilyan oo Gini oo muddo sannad gudihii ah uu ciyaartooyo cusub kooxda ugu soo iibiyey, ayaa waxa hadda saamayn ku yeelanaya sharcigan cusub.

Boehly oo saamiga ugu badan ku leh Chelsea, ayaa ciyaartoyda uu keenay waxa ka mid ah Enzo Fernandez iyo Mykhailo Mudryk oo uu ka saxeexay heshiisyo min siddeed sannadood iyo badh ah bishii January ee sannadkan, halka Moises Caicedo, Cole Palmer iyo Noni Madueke ay saxeexeen heshiisyo u dhexeeya toddoba illaa siddeed sannadood.

Heshiisyadaas ayaa waxa ay Chelsea u ogolaanayaan in ay muddo dheer ku kala bixiyaan lacagta ay ciyaartoydan kusoo iibsadeen, iyagoo marba qayb bixinaya, waxaase uu sharcigan cusub dhigayaa in kooxdu ciyaartoyga ay iibsato ay shan sannadood gudahood ku wada bixiso lacagtiisa oo dhamaystiran.

Si kastaba ha ahaatee, sharcigan ayaan saamayn ku yeelan doonin heshiisyadii la dhaqan-geliyey ka hor intii aanu sharcigani soo bixin, waxaana hadda wixii ka dambeeya ay kooxaha Ingiriisku la mid noqon doonaan kuwa kale ee Yurub ee uu sharciyadoodu shanta sannadood ku xaddidayo bixinta lacagta ciyaartoyda ay iibsadaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga