Liverpool ayaa mar hore xaqiiqsatay in ay u gudubto wareega xiga ee tartanka iyada oo Arsenal Iyo Aston Villa ay ku biiri doonaan hadii ay badiyaan kulankooda ugu dambeeya ee champions League.
Man City ayaa u baahan doonta in ay badiso kulankeeda ugu dambeeya hadii ay doonayaan in ay aadaan wareega kala baxa ee tartanka.
Hadii ay Man City u gudubto wareega xiga waxa ay kooxaha premier Legaue ka caawin doontaa in ay 7 kooxood ka qayb galaan tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.
England waxa ay hubaal u leedahay 4 kooxood oo ka qayb galaya tartanka laakiin hadii ay 6 kooxood oo ka mid ah England ay si toos ah ugu gudbaan tartamaa 3-da ah ee yurub waxa ay ka caawin doontaa kooxaha England ay helaan boosas dheeraad ah.
Haddii City ama Villa ay ku guulaystaan hampions League isla markaas ka baxaan 5-ta kooxood ee ugu saraysa premier League waxa ay ka qayb gali doonaan tartanka iyaga oo aan lagu qiimayn booska ay ka galeen horyaalka.
Sidoo kale hadii United ama Tottenham ku guulaystaan Europa League England ayaa koox kale ku yeelan doonta tartanka Champions League.
Be the first to comment