Suuqa January ayaa si Rasmi ah u xidhmay iyada oo kooxo badan suuqa galiyeen lacag badan.
Kooxaha Premier League ayaa si weyn isku xoojiyay iyaga oo sameeyay saxiixyo fiican.
Kooxda Man City ayaa ahayd kooxda suuqa galisay lacagta ugu badan iyaga oo la soo saxiixday ugu yaraan 6 xiddig.
Man City ayaa suuqa galisay lacag dhan £176.1M si ay ugula soo saxiixato xiddigaha ay doonayeen suuqa January.
Waxa ku xiga kooxda Wolves kuwaas oo suuqa galiyay lacag dhan 42.6M waana kooxda 1-aad ee suuqa galisay lacagta ugu badan.
Waxa ku xigta kooxda Brighton kuwaas oo suuqa galiyay lacag dhan 40M halka ay ku xigto kooxda Man United oo suuqa galisay lacag dhan 29.6M.
Be the first to comment