Kompany Oo Tilmaamay Badalka Messi Ee Ay Barcelona Heshay.

Vincent Kompany, tababaraha Bayern Munich, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay fiidnimadii caawa kaga hadlay kulanka Barcelona aadka loo wada sugayo ee berri fiidkii, kana tirsan Champions League.

Garoonka Montjuïc ayaa marti galin doona kulanka u dhexeeya labada kooxood wareega saddexaad ee Champions League, xilli ciyaareedka 2024/25.

Kompany ayaa wax laga waydiiyay da’yarka Lamine Yamal kaas oo wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan.

Kompany ayaa yidhi”Waa wax aan caadi aheyn Barcelona, ​​wixii ka dambeeyay mudadaas tan iyo markii uu ka tagay Messi, kaasoo sanado badan ahaa ciyaaryahan weyn oo kubada cagta adduunka ah. Inaad haysato ciyaaryahan kale oo bedeli kara. Waa shay gaar ah.”

Wuxuu intaas ku daray: “Dhammaan ixtiraamka aan u hayo akadeemiyadda Barcelona, ​​La Masia, taasoo mar walba awood u leh inay aaminto ciyaaryahannada noocaan ah oo ay fursad siiso.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Ma ahan kaliya in la joojiyo shaqsiyaad gaar ah, balse waa in aan ka badino kulanka Barcelona, ​​ma ahan kaliya in la joojiyo hal ciyaaryahan, balse waa in la joojiyo kooxda oo dhan, taas ayaana ah waxa aan diirada saareyno, laakiin Lamine Yamal waa mid cajiib ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga