Klopp Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Bayern Munich

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya Bayern Munich.

Klopp ayaa la xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Dhinaca kale Bayern Munich ayaa xaqiijisay in uu Tuchel ka tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Go’aanka Tuchel ayaa imanaya kadib natiijooyinka xun ee kooxdu ku jirto xilli ciyaareedkan.

Go’aankta Tuchel ayaa durba Tababare Klopp la xidhiidhinaya kooxda Bayern Munich si uu u badalo Tababare Tuchel.

Laakiin wakiilka tababaraha ayaa meesha ka saaray suurtagalnimo kasta oo uu Klopp ugu biiri karo kooxda Bayern Munich.

“Jurgen Klopp ma tababari doono koox ama xul qaran muddo sanad ah kadib xilli ciyaareedkaan, taasi wali waxba iskama bedelin” ayuu Kosicke u xaqiijiyay Sky Deutschland.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga