
Laacibka reer Belguim ee Kevin De Bruyne ayaa kooxdiisa Manchester City ku hogaamiyay in ay laba gool iyo hal gool kaga badiyaan kooxda ay martida u ahayd ee Leyton Orient kulan ka tirsanaa tartanka FA Cup-ka.
kooxda lagu ciyaarayay garoonkeeda Leyton Orient ayaa ku hor martay goolka waxana si khaldan isaga dhaliyay Goolhaye Stefan Ortega,kadib markii ciyaartoyga Leyton uu kubad ka soo toogtay meel fog waxana ku dhacday kubadii ka soo laabatay birta.
City ayaa intaas ka dib isku dayday in ay ku soo laabato goolka bar-baraha laakiin waxa ay ku fashilantay in ay gool dhaliso qaybtii hore ee ciyaarta.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa u suuragashay ciyaaryahan Abdulkadir Khosanov oo ku cusub inuu ciyaarta dib u soo celiyo, waxaana u dhaliyay goolka barbaraha daqiiqadii 56aad, waxaana caawin ka helay Rico Luis.
Kooxda Man City ayaa sugay daqiiqadii 79-aad inuu dhaliyo goolka guusha, kaasoo uu u dhaliyay De Bruyne, ka dib markii uu garoonka ku soo galay bedel ku dhawaad 7 daqiiqo, waxaana caawinaad ka helay saaxiibkiis Jack Grealish, sidaas ayaana City ugu soo baxday wareega 8da ee tartanka.
Be the first to comment