Kai Havertz Oo Taariikh Ku Sameeyay Chelsea.

Kooxda Arsenal ayaa xasuuqday kooxda Chelsea kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalka premier premier.

Gunners ayaa 5/0 kaga badisay chelsea kulan uu Kai Havertz wacdaro dhigay.

Havertz ayaa shabaqa Soo taaabtay Laba jeer kulanka ay Kooxdiisu ku badisay 5/0.

Havertz ayaa isku Qoray Taariikhda Kadib markii uu ugaadhsaday kooxdiisii hore.

Xiddiga Havertz ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Chelsea ka dhaliya laba gool kulan premier league ah Kadib markii uu horay ugu Soo ciyaaray.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga