Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Guushii Ay Kooxdiisu Ka Gaadhay Fulham

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa hadlay kadib guushii ay ka gaareen Fulham, fiidnimadii Axadda, kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska

Liverpool ayaa 3/1 kaga badisay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Klopp ayaa hadaladiisa uu siiyay BBC ku yiri ciyaarta kadib: “Runtii waxaan ciyaarnay ciyaar aad u wanaagsan 80-daqiiqo maan jecleyn tobankii daqiiqo ee ugu dambeysay qeybta hore, laakiin taasi waa caadi sababtoo ah waxaan ka helay qeybta labaad. .”

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan markale soo bandhigi karnaa wixii aan si fiican u samaynay qaybtii hore ee ciyaarta, waxaanu ilaalinay kubbada, waxaanu samaynay caawino, waxaanu dhalinay goolal fiican”.

“Waxaan helnay xoogaa fursado fiican, intaas waxaa dheer, waxaan sameynay isbedelo, wiilashuna si fiican ayay sameeyeen.”

Kooxda Liverpool ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad iyaga oo farqiga goolasha kaga dambeeya hogaamiyayaasha Arsenal oo ay isku dhibco yihiin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga