Jorginho Oo Fariin U Diray Man City Ka Hor Kulankooda Axada.

Jorginho ayaa sheegay in Arsenal aysan ka baqeynin qaab ciyaareedka gooldhalinta Erling Haaland iyagoo isku diyaarinaya inay wajahaan Manchester City kulan ka tirsan Premier League Axada.

Xiddiga reer Norway ayaa haatanba dhaliyay 9 gool 4 kulan oo horyaalka ah premier League xilli ciyaareedkan kuna jiraan saddexley uu ka dhaliyay Ipswich iyo West Ham.

Inkasta oo uu qaab ciyaareed cajiib ah ku jiro, Arsenal ayaan ka cabsanayn Haaland inkasta oo uu Jorginho sheegay in gooldhalintiisa cajiibka ah ay keentay in ay xiddigaha Arsenal ku qoslaan.

“Haaland mar kale, waxa ay bilowday in ay iga qosliso”ayuu yidhi Jorginho.

“Waxa aan eegnaa ciyaaraha sababta oo ah waxa aan jecelnahay ciyaarta”.

“Waan jecelnahay Premier League sidaa darteed waxaanu daawanaa ciyaaraha oo dhan, arintaas nama mashquuliso waxa aan diirada saaraynaa ciyaarteena”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga