Jamie Carragher Oo Xiddig U Ciyaara Liverpool Bar-Bar Dhigay Halyeey Arsenal Ah.

Jamie Carragher ayaa amaanay qaab ciyaareedka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Ryan Gravenberch waxana uu aaminsan yahay in uu u sharaxan yahay ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga sanadka ee PFA.

Xiddigii hore ee Ajax ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed kale oo heer sare ah iyada oo Reds ay ka awood roonaatay Tottenham isla markaana awood u yeelatay in ay gaadho final-ka Carabao Cup-ka.

Halka xiddigo ay ka mid yihiin Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk ay yihiin hadal haynta warbaahinta, xiddiga Gravenberch noqday xiddig muhiim u ah kooxda Liverpool waxana uu si joogto ugu ciyaaraa kooxda.

“Runtii aad ayay u xiiso badan tahay maadaama ay wax badan ka fikirayeen markii uu soo galay,” Carragher ayaa yiri

“ababta ay Bayern Munich u fasaxday waxa ay ahayd in ay ciyaareen nidaam ka duwan. Liverpool waxa ay ciyaartay 4-3-3, waxa uu ahaa mid ka ciyaara khadka dhexe ee weerarka, waxa uu ku ordi jiray lugihiisa dhaadheer”.

“Amaanta ugu sareysa ee aan siin karo waa inuu ku jiri doono tartanka ciyaaryahanka sanadka, wuxuu dib ii xasuusiyay Patrick Vieira”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga