Jamie Carragher Oo Saadaaliyay 6-da Kooxood Ee Ugu Saraysa Premier League Xilli Ciyaareedka.

Halyeeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa saadaaliyay halka ay kooxaha Chelsea, Liverpool Iyo Arsenal kaga dhamaysan doonaan 6-da kooxood ee ugu saraysa horyaalka xilli ciyaareedka.

Iyada oo intii badnayd ee xilli ciyaareedku dhamaaday waxa Jamie Carragher la waydiiyay sida uu ku dhamaan doono tartanka premier League xilli ciyaareedkan.

Jamie Carragher ayaa saadaaliyay in ay Liverpool ku guulaysan doonto premier League xilli ciyaareedkan halka Arsenal uu u saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonto kaalinta 2-aad xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah.

Sidoo kale Jamie Carragher ayaa u saadaaliyay Chelsea in ay ku dhamaysato kaalinta 3-aad ee kala saraynta premier League.

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa kooxda Newcastle u saadaaliyay kaalinta 4-aad hala uu kaalinta 5-aad u saadaaliyay ooxda Nottingham Forest.

Ugu dambayn Jamie Carragher ayaa kooxda Man City u saadaaliyay kaalinta 6-aad ee kala saraynta premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga