Jamie Carragher Oo Magacaabay Xiddig Liverpool Ka Caawin Lahaa Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan

Jamie Carragher ayaa magacaabay xiddig wax weyn ka badli kara Liverpool isla markaas ka caawin kara kooxda Arne Slot in ay ku guulaystaan horyaalka premier League.

Dad badan ayaa su’aal galiyay Slot markii ay kooxdu shaacisay saxiixiisa si uu u badalo Klopp.

Waxa la saadaalinayay in uu ku fashilmi doono Liverpool laakiin 3-dii bilood ee ugu horaysay ayuu wacdaro ka dhigay kooxda Liverpool.

Slot ayaa Liverpool ka caawiyay in ay badisao 10 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu horeeyay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee Jamie Carragher ayaa tilmaamay xiddig Slot ka caawin kara in uu si dhib yar ugu guulaysato premier League.

“Hadii Palmer u ciyaari lahaa Liverpool wax shaki ah igagama jiro in Slot uu ku guulaysan lahaa premier League xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya”ayuu yidhi

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga