Jamie Carragher Oo Magacaabay Labada Kooxood Ee Isugu Iman Doona Final-ka Champions League.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa saadaaliyay 2 kooxood ee isaga hor iman doona Final-ka Tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.

Waxa la ciyaaray kulamadii lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League iyada oo ay ka soo bexeen natiijo cajiib ah.

Kulamadii lugta hore ayay bar-baro galeen kooxaha Man City iyo Real Madrid halka ay Arsenal iyo Bayern Munich bar-baro ku heshiiyeen.

Dhinaca kale Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa badiyay kulamadii ay ciyaareen iyaga oo hal lug la galay wareega xiga ee tartanka.

Jamie Carragher ayaa saadaaliyay in ay kooxaha Man City iyo PSG isaga hor iman doonaan Final-ka tartanka champions League.

Hadii ay run noqoto saadaasha Jamie Carragher kooxda Man City ayaa xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah aadi doonta tartanka champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga