Indho Adagaa: David Raya Oo Digniin Culus Diray PSG Ka Hor Kulanka Lugta 2-aad.

Goolhayaha reer Spain ee Arsenal David Raya ayaa Si adag ugu hanjabay kooxda PSG ka hor kulanka lugta 2-aad kadib guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay PSG lugtii hore ee semi-finalka Champions League.

Arsenal ayaa guuldaro 1-0 ah kala kulantay garoonkeeda Emirates Stadium, waxayna labada kooxood markale ku kulmi doonaan garoonka Parc des Princes 7-da May.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan lugta labaad u ciyaarno si la mid ah sidii aan u ciyaarnay lugtii hore,” ayuu Raya yidhi.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan u ciyaarnay si wanaagsan maanta, waxaan abuurnay fursado badan, waxaana ognahay inaan ka guuleysan karno koox walba”.

Raya oo ka hadlaya ciyaartii maanta ayaa yidhi: “Kooxda naga soo hor jeeda waxa ay dhalisay gool wakhti hore ah kadib waxa ay maamuleen ciyaarta laakiin wixii intaas ka dambeeyay anaga ayaa maamulnay ciyaarta waxana aan samaynay fursado badan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga