Hordhac: West Ham Vs Liverpool: Reds Oo Doonaysa In Ay Ku Soo Laabato Wadada Guulaha.

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqonaysa kooxda West Ham kulan ka tirsan premier League.

Liverpool ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha marka ay la ciyaarayso West Ham.

Kulanka: West Ham Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30

Xaqiiqooyinka kulanka:

West Ham ayaa laga badiyay 12 ka mid ah 14-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League. Labada ka reeban ayaa labadooduba gurigooda ku sugnaa, barbardhac 1-1 ah bishii Febraayo 2019 waxayna ku badiyeen 3-2 Noofambar 2021.

Hammers ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa ilaashadaan 15-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Liverpool.

Liverpool ayaa laga badiyay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay ku ciyaareen meel ka baxsan garoonkeeda, waana inta badan marka la isku daro 42dii kulan ee hore.

Reds ayaa badisay kaliya hal kulan afartii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka (1 bar-baro iyo 2 guuldaro), iyaga oo hore u qaatay 19 dhibcood 21 ka mid ah suurtagalnimada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga