Harry Redknapp Oo Saadaaliyay Kulamada Arsenal Iyo Man City Ee Tartanka Premier League.

Harry Redknapp ayaa shaaca ka qaaday saadaashiisa Premier League ee maalinta ugu danbeysa iyadoo kooxaha Manchester City iyo Arsenal ay ku loolamayaan hanashada horyaalka.

Man City ayaa galaysa maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka 2023-24 iyada oo hogaanka haysa iyada oo laba dhibcood ka saraysa kooxda ay horyaalka ku xafiiltamaan ee Arsenal.

Marka la eego barkintooda, guushii ay West Ham kaga gaareen Etihad Stadium waxay Manchester City noqon doontaa kooxdii ugu horreysay ee taariikhda Premier League ku guulaysata afar koob oo xidhiidh ah.

Laakiin hadii ay si lama filaan ah dhibco ugu lumiyaan Kulanka West Ham Arsenal ayaa ku guulaysan karta horyaalka markii ugu horaysay tan ilaa 2004.

Harry Redknapp ayaa sheegay in ay Man City ku badin doonto 3/0 isla markaas garaaci doonto West Ham.

Sidoo kale Harry Redknapp ayaa saadaaliyay in ay Arsenal sidoo kale badin doonto kulankeeda isaga oo u saadaaliyay 3/0.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga