Harry Kane oo sharaxay sababta uu u khasaariyay rigooradii Spain, kana hadlay guuldaradii soo gaartay

0

Xiddiga xulka England Harry Kane ayaa ka hadlay guuldarradii 3-2 ahayd ee ay kala kulmeen Spain, kulankii furitaanka wareegga group-yada ee UEFA Nations League 2027, England ayaa garoonka Wembley lagu ciyaarayay, waxaana Spain ay guusha ku gaartay 3-2, iyadoo Kane uu lumiyay fursad weyn oo rigooro ah xilli England ay 2-1 ku hoggaaminaysay ciyaarta.

Kane ayaa sheegay in England ay soo bandhigtay ciyaar wanaagsan, inkastoo ugu dambeyn laga adkaaday, “Waxaan horey u sheegay inaan heer wanaagsan ku ciyaarnay Koobkii Adduunka, laakiin aan ku guuldarreysanay inaan 90-ka daqiiqo oo dhan sameyno waxqabad dhammaystiran. Waxaa laga yaabaa inay maanta mar kale dhacday,” ayuu yiri Kane.

Advertisment

Wuxuu intaas ku daray: “Si kastaba, waxaan helnay waqtiyo wanaagsan. Qayb ka mid ah ciyaarta waxay ahayd mid ka mid ah waqtiyadii ugu fiicnaa ee aan muddo dheer soo bandhignay. Waa heerka aan ognahay inaan gaari karno.”, Kane ayaa sidoo kale xusay in England ay si siman ula tartantay Spain oo ah kooxda heysata Koobka Adduunka iyo Koobka Qaramada Yurub.

“Waxaan la ciyaarnay kooxda heysata Koobka Adduunka iyo Yurub, Waxaan soo bandhignay ciyaar heerkeedu la mid yahay kooda. Xaalado kale, waxaan awoodi lahayn inaan ciyaarta badino. Waa inaan ka qaadannaa waxyaabaha wanaagsan, wixii dhacayna ka gudubnaa oo aan u diyaar garowno kulanka xiga.”

Kane oo sharaxay rigooradii uu lumiyay, Markii wax laga weydiiyay rigooradii uu ku dhuftey birta, taas oo fursad weyn u ahayd England inay ciyaarta 3-1 ka dhigto, Kane wuxuu bixiyay jawaab kooban, “kabta iga siibatay, nasiib xumo ayay ahayd.”

Kane ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay haddii wararka ku saabsan xukunka iyo dhibaatada Manchester City ay saameyn ku yeesheen xulka England, Wuxuu sheegay in arrintaasi laga hadlay, balse ciyaartoydu marka ay ku jiraan waajibaadka qaranka ay dhinac dhigaan arrimaha kooxahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here