Hansi Flick oo qirtay khaladaadka Barcelona kaddib guuldarradii Real Madrid

0

Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa qirtay in kooxdiisu aysan si buuxda ugu diyaarsaneyn dhinaca jirdhiska, kaddib guuldarradii 2-1 ahayd ee ay kala kulmeen Real Madrid kulankii El Clásico ee La Liga.

Flick ayaa sheegay in Barcelona ay ciyaartay qeyb labaad oo wanaagsan, balse qaladaad ay sameeyeen iyo weerar rogaal celis ah oo Real Madrid qaaday ay sabab u noqdeen guuldarrada.

Advertisment

Tababaraha reer Jarmal ayaa sidoo kale xusay in kooxda ay ka maqneyd firfircoonidii bilowga xilli ciyaareedka, isaga oo sheegay inaysan jirin wax marmarsiiyo ah oo ay guuldarrada ku sharxi karaan.

Dhanka kale, Flick ayaa ka hadlay dhaawacyada Eric García, Jules Koundé iyo Dani Olmo, isagoo tilmaamay in xulashooyinka daafaca ay yaraadeen, isla markaana laga yaabo in ciyaartoyda da’yarta ah ee La Masia fursad la siiyo.

Inkasta oo ay guuldarradu soo gaartay, Barcelona ayaa weli hoggaanka La Liga ku haysa 27 dhibcood, halka Real Madrid ay leedahay 24 dhibcood.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here