Hansi Flick Mise Jurgen Klopp? Coutinho Oo Ka Hadlay Wararka Barcelona La Xidhiidhinaya Labada Tababare

Philippe Coutinho ayaa aaminsan in Hansi Flick ama Jurgen Klopp midkood uu wax fiican ka qaban doono Barcelona.

“Keebaa fiican Flick ama Klopp? Waa laba tababare oo heersare ah,” ayuu yidhi.

“Labadoodaba waan ku tababaray, runtuna waxay tahay inaan xiriir aad u wanaagsan la lahaa iyaga, kooxahooduna mar walba si fiican ayay u ciyaarayeen”.

“mid kasta oo ka mid ah dookhyadan waa mid aad ugu fiican koox kasta oo adduunka ah”.

“Klopp ama Flick miyay ku haboon yihiin Barca? Ma aqaano, laakiin mid walba way la qabsan karaa”.

“Tababarayaashu sidoo kale waxay la qabsan karaab qaab ciyaareedka kooxda, waxaan ka hadlaynaa laba tababare oo ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka”

“Kubada cagtu mar walba way isbedeshaa, had iyo jeer waxaa jira habab cusub oo loo ciyaaro, waxaana filayaa inay yihiin laba tababare oo waa wayn, tani waa waxa aan odhan karo”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga