Halka Horyaal Ee Uuna Virgil van Dijk Ku Biiri Doonin Oo La Shaaciyay.

Virgil van Dijk ayaan u muuqan mid u dhaqaaqaya Saudi Arabia hadii uu xagaagan ka tago Liverpool.

Daafaca reer Holland ayaa wali wadahadalo kula jira Reds mustaqbalkiisa xilli uu heshiiskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Van Dijk, oo 33 jir ah, ayaa rajaynaya in wax cusub laga sameeyo ka hor dhamaadka ololaha laakiin waxa uu wali ku adkaysanayaa in aanu wax fikrad ah ka haysan halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin tababaraha Holland Ronald Koeman ayaa ka dhawaajiyay in aanu ka ciyaari doonin horyaalka sucuudiga.

Tababaraha reer Holland ayaa shaaca ka qaaday in kabtankiisu uu sii joogi doono Anfield ama uu ka ciyaari doono koox ka dhisan horyaal la mid ah.

Koeman oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Hadii uu heshiis cusub u saxiixo Liverpool ama uu ku biiro koox kale oo weyn waa ii fiicantahay”.

“Waan arki doonaa waxa dhaca, waxa aan ka fahmay Virgil ayaa ah inuu weli raadinayo heerka uu hadda joogo”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga