Guddiga Garsoorayaasha ee xiriirka kubadda cagta Masar ayaa go’aan ka gaaray suurtagalnimada in garsooraha Soomaaliyeed Cumar Artan uu ka mid noqdo garsoorayaasha dhex-dhexaadiya kulamada horyaalka heerka koowaad ee dalka Masar.
Warbixin gaar ah oo uu baahiyey wargeyska Btolat ayaa sheegaysa in soo jeedintii ahayd in Cumar Artan lagu daro garsoorayaasha Masaarida aan lagu heshiin, sidaas darteedna uusan mustaqbalka dhow ka dhex muuqan doonin garsoorayaasha horyaalka Masar.
Guddoomiyaha guddiga garsoorayaasha, Cisam Cabdul Fataax, ayaa horay u sheegay in Cumar Artan uu codsaday inuu Masar dego, isla markaana uu halkaas ka sii wato shaqadiisa garsoornimo, balse arrintaas ay u baahneyd in laga baaraan-dego.
Dhanka kale, Cumar Artan ayaa bishii Agoosto ee sannadkan garsoore ka noqday kulankii European Super Cup ee dhexmaray Paris Saint-Germain iyo Aston Villa, kaddib taageero xooggan oo uu ka helay xiriirka kubadda cagta Yurub (UEFA).
Arrintan ayaa timid kaddib markii dowladda Mareykanka ay u diidday inuu dalkaas galo, inkastoo uu haystay fiiso. Garsooraha Soomaaliyeed ayaa muddo 11 saacadood ah lagu baarayay garoonka diyaaradaha Miami, ka hor inta aan loo diidin gelitaanka sababo la xiriira walaacyo amni iyo xiriirro lala xiriiriyey dad looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin ururro argagixiso.

