Tababaraha xulka Brazil, Carlo Ancelotti, ayaa ka jawaabay cabashada madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, ee ku saabsan in Raphinha loogu yeeray xulka qaranka Brazil inta lagu jiro fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.
Ancelotti ayaa sheegay in xilliyada fasaxa FIFA uu xulku xaq u leeyahay inuu soo xusho ciyaartoyda muhiimka u ah qaranka, isla markaana uusan jirin wax codsi gaar ah oo uga yimid Barcelona.
Raphinha ayaa la filayaa inuu Brazil kala qeyb galo kulamada Japan iyo Singapore bisha November, safarkaasi oo la sheegay inuu gaarayo ku dhowaad 22,000 KM.
Laporta ayaa horay uga walaacay dhaawacyada ciyaartoyda uga yimaada kulamada xulalka, gaar ahaan dhaawacii Raphinha kasoo gaaray kulankii Brazil iyo Australia.
Ancelotti ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Raphinha uu ka mid yahay shan ciyaaryahan oo khibrad u leh Koobka Adduunka, kuwaas oo laf-dhabar u noqon doona qorshaha mustaqbalka xulka Brazil.

