Guardiola: Arsenal Ayaa Ku Guulaysan Lahayd Horyaalka Hadiii…

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay guushii kooxdiisu ka gaadhay Tottenham.

Man City ayaa 2/0 uga badisay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League oo baaqi u ahaa.

Ka hor inta ayna Man City dhalin goolka 2-aad ee ciyaarta dilay Stefan Ortega ayaa sameeyay bad-baadin cajiib ah oo uu Tottenham ugu diiday gool cadaan ah.

Guardiola ayaa qirtay in bad-baadintii Stefan Ortega ahayd mid cajiib ah isla markaas bad-baadisay Man City.

Guardiola ayaa qirtay in ay Arsenal ku guulaysan lahayd hadii uuna Stefan Ortega bad-baadin lahayn fursadii Son.

Guardiola oo arintaas ka hadlaya yaa yidhi”Stefan Ortega ayaa na bad-baadiyay”.

“Hadii uuna Stefan Ortega samayn lahayn bad-baadintaas, Arsenal ayaa ku guulaysan lahayd horyaalka”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga