Goorma Ayaa La Samaynayaa Isku-aadka Wareegga 16ka Champions League? Akhriso Shuruucda La Raacayo Iyo Kooxaha La Kala Ilaalinayo

Isku-aadka wareegga 16ka tartanka Champions League ayay kasii fikirayaan 14 kooxood oo mar horeba soo gudbay, halka laba kale ay wali diiraddoodu saaran tahay in ay kasoo gudbaan wareegga group-yada caawa oo lasoo gunaanadayo marxaladda koowaad.

14 ka mid ah 16ka kooxood ayaa soo gudbay, waxaana naadiyada qaarkood ay sii diyaarinayaan masuuliyiinta u safraysa magaalada Nyon ee waddanka Switzerland ee uu ka dhici doono isku aadku.

Saddexda kooxood ee Newcastle, PSG iyo AC Milan ayaa uu midkood soo gdubi doonaa oo la sugayaa in ay caawa soo kala adkaadaan, si ay usoo dhamaystirmaan naadiyada ka qayb-gelaya wareegga 16ka Champions League.

Sharciga Champions League ayaa xaaraantimaynaya in wareegga 16ka Champions League ay isku dhacaan kooxo isku waddan ah amaba hal group kasoo wada baxay, sidoo kalena waxa aan la ogolayn in naadiyo kaalmaha koowaad kaga soo baxay hormooyinkoodu ay isku dhacaan marxaladdan, taas oo ka dhigan in kooxaha Spain aanay isku dhici karin, sidoo kalena aanay isku beegmi karaynin naadiyada Ingiriiska ama Talyaaniga ama Jarmalka ama Faransiiska.

Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka wareegga 16ka Champions League?

Maalinta Isniinta ee toddobaadkan foodda inagu soo haya ayaa la samayn doonaa isku-aadka wareegga 16ka Champions League. Taariikhda ayaa ku beegan December 18, 2023 marka ay saacadda Geeska Afrika tahay 2pm (2da duhurnimo).

Kooxaha kaalmaha 1aad kusoo gudbay ee aan isku dhici doonin

  • Bayern Munich
  • Arsenal
  • Real Madrid
  • Real Sociedad
  • Manchester City

Kooxaha kaalmaha 2aad kusoo gudbay ee ku dhacaya kuwa 1aad kusoo baxay

  • Copenhagen
  • RB Leipzig
  • PSV
  • Napoli
  • Inter Milan

Kooxaha soo gudbay laakiin aan la xaqiijin inay 1aad ku baxayaan amaba 2aad kusoo gudbaya

  • Atletico Madrid
  • Lazio
  • Borussia Dortmund
  • Barcelona

Goorma ayaa la ciyaari doonaa kulamada wareegga 16ka?

Lugta hore ee kulamada wareegga 16ka ayaa waxa la ciyaari doonaa laba usbuuc oo isku xiga oo bisha February ah. Maalmaha Salaasada iyo Arbacada ee February 13 & 14, 2024 ayaa ay kooxaha qaarkood ciyaari doonaan kulamadooda koowaad, halka kooxaha kalena ay lugtooda koowaad dheeli doonaan maalmaha Salaasada iyo Arbacada ee February 20 & 21 ee 2024.

Lugta labaad ee lagu kala baxayo, waxa la ciyaari doonaa March 5-6 iyo 12-13, 2024, waana laba usbuuc oo isku xiga sida lugta koowaad oo kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga