Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Gavi, ayaa ammaan weyn u jeediyay weeraryahanka Real Madrid, Kylian Mbappé, isagoo sheegay in qof kasta oo aan garanayn awoodda iyo tayada xiddiga reer France uu yahay qof aan aragti fiican ka haysan kubadda cagta.
Hadalka Gavi ayaa imaanaya xilli ay Barcelona iyo Real Madrid isku diyaarinayaan kulanka weyn ee El Clásico, kaas oo caawa lagu ciyaari doono garoonka Spotify Camp Nou, kana tirsan wareegga 10-aad ee horyaalka La Liga.
Gavi ayaa diiday in la dhayalsado waxqabadka Mbappé, isagoo qiray in weeraryahanka Real Madrid uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunka, inkastoo uu tilmaamay in goolashiisa badan aysan ilaa hadda u horseedin kooxda koobab waaweyn.
“Dabcan, Mbappé wuxuu dhaliyaa goolal badan, laakiin taasi weli uma beddelmin ku guuleysiga koobab. Si kastaba ha ahaatee, arrintaasi marnaba ma yareynayso qiimihiisa ciyaaryahan ahaan,” ayuu yiri Gavi, sida ay baahisay warbaahinta Barca Universal.
Xiddiga Barcelona ayaa intaas ku daray in Mbappé uu si joogto ah u muujiyo inuu yahay ciyaaryahan heer caalami ah, isla markaana aan la iska indho tiri karin hibadiisa.
“Mbappé shaki la’aan waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunka, wuxuuna taas si joogto ah u caddeeyaa. Waa ciyaaryahan aan caadi ahayn, qofkii aan taas arkin waa indhoole,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gavi.
Gavi ayaa sidoo kale sharraxay in ku guuleysiga koobabka waaweyn uusan ku xirnayn hal ciyaaryahan oo keliya, balse ay door weyn ku leeyihiin awoodda kooxda iyo ciyaartoyda kale ee ku hareeraysan.
Hadalka Gavi ayaa imanaya iyadoo Mbappé uu isku diyaarinayo kulanka adag ee Barcelona, kaas oo fursad u noqon kara inuu muujiyo awooddiisa, isla markaana uu kooxdiisa ka caawiyo inay guul ka gaarto kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan.
Dhanka kale, xiddiga reer France ayaa doonaya inuu magaciisa ku xoojiyo tartanka abaalmarinta Ballon d’Or, oo la filayo in xafladdeeda la qabto maalinta Isniinta magaalada London ee dalka Ingiriiska. Mbappé ayaa tartanka kula jira xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal.
Mbappé ayaa marar badan sheegay inuu aaminsan yahay inuu u qalmo abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan adduunka, waxaana kulanka El Clásico loo arkaa fursad muhiim ah oo uu ku muujin karo heerkiisa ciyaareed.

