Xiddigii hore ee Liverpool, Steve McManaman, ayaa saadaaliyay in Real Madrid ay ka adkaan doonto Barcelona kulanka El Clásico ee maanta ka dhacaya Camp Nou.
Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku soo dhaweyn doonta Real Madrid, iyadoo kulankan ay imanayso kaddib guuldarro 4-2 ah oo ay kala kulantay Paris Saint-Germain tartanka Champions League bartamihii toddobaadka, McManaman oo la hadlay 365Scores, sida ay baahisay SPORT, ayaa sheegay inuu filayo kulan adag oo labada kooxoodba ay fursad u leeyihiin inay natiijada go’aamiyaan.
“Waxaan filayaa kulan aad u adag, sababtoo ah labada kooxoodba waxay awood u leeyihiin inay go’aamiyaan kulamada muhiimka ah,” ayuu yiri McManaman.
Wuxuu intaas ku daray inuu rajaynayo in Real Madrid ay guuleysato, isagoo saadaaliyay inay Barcelona kaga adkaan doonto 3-1.
“Waxaan rajaynayaa in Real Madrid ay 3-1 ku badiso, balse aan aragno waxa dhaca. Kulankani mar walba wuxuu ka gudbaa wixii la filayo,” ayuu raaciyay.

