Gary Neville Oo Sharaxay Sababta Ayna Arsenal Ugu Guulaysan Doonin Horyaalka Inkasta Oo Ay Garaacday Liverpool.

Gary Neville ayaa hoos u dhigay fursada ay Arsenal ku hanan karto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed heer sare ah waxana ay garaacday hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool.

Neville oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Arsenal waxa ay ahayd koox aan doonayn in ay ka baxdo tartanka horyaalka waxana aan aragnay farxadooda dhamaadkii ciyaarta”.

“Bilowgii xilli ciyaareedkan waxa aan aaminsanaa in ay Arsenal ku guulaysan karto horyaalka”.

“Laakiin waxa aan aragnay calaamado badan maanta, Arsenal ma haysato weeraryahan dilaa ah”.

“Waxa aan u malaynayaa in ay arintaas saamayn doonto dhamaadka xilli ciyaareedkan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga