Gary Neville Oo Badalay Saadaashiisa Premier League Kadib Todobaadkii Ugu Horeeyay Ee Xilli Ciyaareedka

Gary Neville ayaa qirtay in usbuuca furitaanka ee ciyaaraha Premier League ay keentay isbedel la taaban karo oo ku yimid saadaashiisa afarta sare.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool ayaa guul weyn oo 4/2 ah ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka dhacay Anfield.

Man City ayaa iyadu guul weyn oo 4/0 ah ka gaadhay Wolves iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed wareer ah.

Dhinaca kale Arsenal ayaa guul diri ah ka gaadhay kooxda Man United taas oo keentay in uu Neviile badalo saadaashiisa.

“Waa badal raagay laakiin waxan qabaa in xaqiiqo ka dambayso badalkaas”ayuu Nevill yidhi.

“Xilli ciyaareedkii hore waxan xasuustaa in aan sugayay Chelsea kulankeeda ugu horeeya, wakhtigaas ma jirin cid Chelsea u saadaalinaysay kaalinta 4-aad waxa aan daawaday kulankii Man City waxana aan idhi ma ahan kuwo xun”.

“Markii aan daawaday Man United kulankii Arsenal waxan u maleeyay in qaab ciyaareedku ahaa mid fiican waxan qabaa in ay heli doonaan Goolhaye cusub”.

“Todobaadkii hore waxa aan u saadaaliyay in ay ku dhamaystaan kaainta 6-aad laakiin kadib qaab ciyaareedkooda waxa aan qabaa in ay aad u fiicanyihiin”.

Markii la waydiiyay saadaashiisa,Neville yaa yidhi“Waxaan u maleynayaa inay dhamaantood haystaan fursad isku mid ah sidaas darted ma jirto wax hubaal ah in ay Arsenal ku guulaysan doonto”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga