Gary Neville iyo Jamie Carragher oo aaminsan in Michael Carrick uu isaga tago Manchester United

0

Halyeeyadii hore ee Manchester United iyo Liverpool, Gary Neville iyo Jamie Carragher, ayaa ka hadlay mustaqbalka tababare Michael Carrick, iyagoo qaba in ka tagista Manchester United ay isaga u noqon karto xalka ugu habboon.

Neville ayaa barnaamijka Stick to Football ka sheegay in mararka qaarkood tababare shaqada looga eryo ay dantiisa u noqon karto, isaga oo tusaale u soo qaatay waayo-aragnimadiisii Valencia.

Advertisment

Gary Neville ayaa yiri: “Mararka qaarkood tababare wuxuu u baahan yahay in shaqada laga eryo dantiisa awgeed. Aniga waxay ahayd in Valencia shaqada la iga eryo. Waan ku farxay markii ay iga dulqaadeen xaaladdii adkayd ee aan ku jiray.”

Dhankiisa, Jamie Carragher ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Carrick uusan si cad dadweynaha ugu sheegi karin, balse uu doonayo in xaaladdiisa laga dulqaado.

Carragher ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa inuusan Michael Carrick waligiis si fagaare ah u sheegi karin, laakiin waxaan aaminsanahay inuu doonayo in laga dulqaado xaaladdan. Runtii sidaas ayaan u arkaa”, “Bal ka fikir inuu hadda tago xarunta tababarka, iskuna dayo inuu ciyaartoyda dhiirrigeliyo ka hor kulanka Chelsea, iyadoo uu og yahay in ciyaartoydu aysan gebi ahaanba la socon qorshihiisa.

“Ciyaartoydaasi way og yihiin in Michael Carrick uusan joogi doonin kooxda laba ama saddex toddobaad gudahood. Isaguna wuu og yahay, iyaguna way og yihiin, qof walbana wuu og yahay.”

Labada falanqeeye ayaa sidaas ku muujiyay shakiga ay ka qabaan sii joogitaanka Carrick ee Manchester United, iyagoo tilmaamay in xaaladda tababaraha iyo xiriirka uu la leeyahay ciyaartoydu ay muhiim u yihiin mustaqbalkiisa kooxda.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here