Florian Wirtz oo Go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa Liverpool

0

Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool, Florian Wirtz, ayaa la sheegay inuu doonayo inuu sii joogo kooxdiisa, isla markaana uusan qorsheynayn inuu ku biiro Chelsea ama Bayern Munich.

Wirtz, oo Liverpool kaga soo biiray Bayer Leverkusen xagaagii 2025 lacag dhan £116 milyan, ayaa lala xiriirinayey Chelsea, halkaas oo uu dib ugula midoobi lahaa tababarihiisii hore Xabi Alonso.

Advertisment

Si kastaba, wararka ay baahisay TEAMtalk ayaa sheegaya in Liverpool aysan qorsheyneyn inay iibiso ciyaaryahanka, isaguna uu doonayo inuu sii joogo Anfield, inkastoo Bayern Munich ay xiisaynayso saxiixiisa.

Xiddigan reer Jarmal ayaa Bayer Leverkusen kula guuleystay horyaalka Bundesliga sannadkii 2024, xilligaas oo uu kooxda hoggaaminayey Xabi Alonso, balse ilaa hadda bandhiggiisa Liverpool ayaan gaarin heerkii laga filayey kaddib lacagtii badnayd ee lagu soo iibsaday.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here