Florian Wirtz ayaa bandhig cajiib ah sameeyay kulankii Liverpool oo 2-1 kaga badiyay Brentford, isagoo dhigay rikoor aan Premier League lagu arag muddo 15 sano ah.
Xiddiga reer Jarmal ayaa xilli ciyaareedkan wajahaya dhaleecayn badan, gaar ahaan tan halyeeygii Liverpool, Jamie Carragher, oo aaminsan inusan weli sameyn weyn ku yeelan ciyaaraha kooxda.
Carragher ayaa kaddib guuldarradii 3-0 ahayd ay Liverpool kala kulantay Manchester City sheegay in Wirtz uusan weli kooxdiisa ku hoggaamin gool, isla markaana aan laga saaro shaqo kooxeed.
Hase yeeshee, kulankii Brentford, Wirtz ayaa abuuray sagaal fursadood oo gool dhalineed. Wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Premier League ka abuura sagaal fursadood oo nooc kasta ah hal kulan taniyo Dejan Kulusevski sanadkii 2024.
Dhammaan fursadaha Wirtz wuxuu abuuray ciyaartooy aan kala joogsi lahayn, isaga oo aan wax lug ah ku yeelan kubbadda la dhigo. Wuxuu sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee sagaal fursadood oo ciyaar socota ka abuura kulan marti ah taniyo Samir Nasri sanadkii 2011.
Wirtz ayaa sidoo kale kale muujiyay dadaal badan, isagoo kulanka orday 13.4 kiiloomitir. Waa masaafadii ugu badnayd ee ciyaaryahan Liverpool ah uu sameeyay kulankaas.
Xilli ciyaareedkan, Wirtz wuxuu orday 75.5 kiiloomitir, ku dhowaad 10 kiiloomitirna wuxuu ka sarreeyaa Milos Kerkez oo kaalinta labaad ku jira.
Sidoo kale, celceliskiisa 12.2 kiiloomitir 90-kii daqiiqaba ayaa ah kan ugu sarreeya ciyaartoyda joogtada ah ee Liverpool, taasoo jawaab u noqon karta eedeymaha sheegaya inuu inusan difaaca ka qeyb qaadan.

