Fabio Capello: Lamine Yamal Wuu Ku Guulaysan Abaalmarin Ballon d’Or Laakiin….

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid Fabio Capello ayaa sheegay in xiddiga Barcelona Lamine Yamal uu u qalmo abaal marinta Ballon d’Or, balse aan lala barbar dhigi karin halyeyga Lionel Messi.

Yamal ayaa xilli ciyaareedkan si aan caadi ahayn uga dhex muuqday Barcelona, ​​waxaana uu si dhaqso ah u noqday ciyaaryahan muhiim u ah kooxda tababare Hansi Flick.

“Lamine Yamal waa ciyaaryahan leh tayo badan, wax badana horumarin kara,” ayuu Capello yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Laakiin uma arko in Yamal uu yahay ciyaaryahan aan caadi ahayn, Messi iyo Maradona waxa ay sameeyeen waxyaabo aanay cidina malayn karin, laakiin hadda ma barbar dhigi karo iyaga”.

Halyeyga tabobaraha talyaaniga ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Kama hadlayo tirooyin, waxaan ka hadlayaa tayada iyo xariifnimada, Ronaldo waa ciyaartoy cajiib ah, wuxuuna dhaliyay goolal ka badan ciyaartoy kasta, laakiin ma noqon karo Messi ama Maradona”.

Capello ayaa carabka ku adkeeyay in xiddiga Barcelona uu u qalmo ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or wuxuuna yiri: “Haddii aan u codeeyo ku guuleystaha, waxaan u codeyn lahaa Vinicius iyo Mbappé, iyadoo Lamine Yamal uu ku jiro kaalinta koowaad”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga