Erik Ten Hag Oo Xaqiijiyay In Ay Man United Wayday Weeryahan Heer Sare Ah

Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay wayday bartilmaameedkii ugu sareeyay ee weeraryahankeeda dhexe intii lagu jiray suuqii xagaagii hore.

Harry Kane ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu u wareegayo Old Trafford markii ay caddaatay inuu ka tagayo Tottenham Hotspur, laakiin kabtanka England ayaa ugu dambeyntii u dhaqaaqay Bayern Munich.

Kane ayaa xilli ciyaareed Cajiib Ah ku qaadanaya kooxda Munich isaga oo u dhaliyay 43 gool sidoo kale diwaan galiyay 11 caawin 43 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Ka dib markii ay wayday 30-jirka, Man United ayaa u dhaqaaqday Rasmus Hojlund kaas Oo kooxda ku qaadanaya xilli ciyaareed fiican isaga Oo dhaliyay 14 gool tartamda oo dhan.

Ten Hag, intii lagu guda jiray wareysi uu la yeeshay Gary Neville, wuxuu qirtay in kooxdu ay dooneysay Kane laakiin ugu dambeyntii ay awoodi waayeen inay heshiis la gaaraan weeraryahanka.

“Kooxdan waxa ay heli kartaa ciyaartoy heer sare ah sababtoo ah waxa laga filayo waa mid aad u sareeya. Manchester United waa kooxda ugu weyn, ama malaha labaad ama seddexaad, kooxda ugu weyn adduunka, taageereyaasha ugu sarreeya sidaas darteed rajada ayaa mar walba jiri doonta,” Ten Hag ayaa u sheegay Sky Sports News.

“Qof kastaa wuxuu qabaa ra’yi ku saabsan Manchester United, waxayna noqon kartaa oo kaliya ciyaartoy heer sare ah. Taasi waa ciyaartoyda leh xirfad kasta, taas oo ah jir ahaan iyo gaar ahaan xirfadaha maskaxeed ee ay u baahan yihiin inay soo bandhigaan oo ay wax ku biiriyaan sababtoo ah waa inaan badinaa kulan kasta”.

“Waxaa jira rajo nagu hareeraysan kulan kasta si Aad u fuliso rajadaas waa in Aad la Soo saxiixataa Xiddigo heer sare ah”.

“Laakiin tobankii sano ee la soo dhaafay iyo muddadan, mar walba ma aanan heli karin ciyaartoyda aan dooneyno, laakiin markaa waa inaad dhistaa waana inaad aqbashaa inaad xirfado ku hesho halkii aad ka heli lahayd ciyaartoy hore u soo bandhigay”.

“Waxaan helnay doorashooyin lagu sameeyay xirfado sida Rasmus Hojlund, waxaan arki karaa weeraryahan hore u caddeeyey, kaasoo aan dooneyno inaan la soo wareegno, mana aanan heli karin isaga, ka dibna waxaan u dhaqaaqnay Rasmus”.

Markii la waydiiyay in uu ka hadlayay u dhaqaaqista guuldaraystay ee Kane, Ten Hag ayaa yidhi: “Haa, waadna ogtahay in Harry Kane uu kuu dhalin karno 30 gool waxaan filayaa in Rasmus uu halkaas gaadhi doono, laakiin waxa uu u baahan yahay wakhti, cadaalad maaha in la qiimeeyo isaga oo kale. Harry Kane ahaan waligay ma barbardhigi karo laba ciyaartoy sababtoo ah aad ayay u kala duwan yihiin”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga