Erik ten Hag Oo Laga Yaabo In Uu Iska Casilo Shaqada Man United Hadii….

Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa lagu soo waramayaa in uu iska casili doono shaqada tababaranimo ee Man United xagaaga laakiin hal shardi ku xidhay arintaas.

Tababaraha 54 jirka ah ayaa arkay xilli ciyaareed aad u liita kadib markii uu xilli ciyaareedkii hore kooxda kula guulaystay koob sidoo kale kaalinta 3-aad kaga dhamaysteen premier League.

Red Devils ayaa wali aadi karta Final-ka FA Cup-ka hadii ay ka badiyaan kooxda Coventry City oo ay maanta la ciyaari doonaan Semi-final-ka FA Cup-ka.

Si kasta ha ahaatee kooxda Red Devils ayaa la hubaa in ay ku dhamaysan doonto meel ka baxsan 4-ta boos ee ugu sareeya maadama ay 13 dhibcood ka dambayso kooxda ku jirta kaalinta 4-aad.

Man United ayaa la kulantay 12 guuldaro premier Legaue xilli ciyaareedkan waxana ay kaalinta ugu dambaysa kaga dhamaysteen wareegii Group-yada.

Heshiiska Ten Hag ee Man United ayaa dhacaya ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa.

Sida laga soo xigtay wargayska The Mirror, Ten Hag ayaa diyaar u ah in uu iska casilo shaqada tababaranimo ee Man United hadii aan loo balan-qaadi karin kalsoonida maamulka sare ku qabaan awoodiisa tababaranimo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga