Erik Ten Hag Oo Ka Jawaabay Xiisaha Bayern Munich Ee Saxiixiisa

SHEFFIELD, ENGLAND - OCTOBER 21: Manchester United manager Erik Ten Hag during the Premier League match between Sheffield United and Manchester United at Bramall Lane on October 21, 2023 in Sheffield, United Kingdom. (Photo by Joe Prior/Visionhaus via Getty Images) ***Local Caption*** Erik Ten Hag

Tababaraha kooxda Manchester United, ayaa iska fogeeyay fikradda ah inuu tababare u noqdo Bayern Munich xilli ciyaareedka soo socda inkasta Oo uu shaki ku Jiro Mustaqbalkiisa Old Trafford.

ESPN ayaa soo warisay, fiidnimadii Isniinta, in mudnaanta Ten Hag ay tahay inuu la sii joogo United xilli ciyaareedka soo socda, inkastoo Bayern ay u dhaqaaqday isku day ay ku dooneyso inay ku hesho adeeggiisa si uu u bedelo Thomas Tuchel ka dib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Shabakadda ayaa sharraxday in mustaqbalka Ten Hag ee United uu halis ku jiro ka dib xilli ciyaareed niyad jab leh oo ay Kooxdiisu ku qaadanayso xilli ciyaareedkan.

Laakiin kooxda Bayern Munich ayaa heshay war Xun Oo ku saabsan suurtagalnimada ay ku heli karaan tababaraha maadama uu iska diiday in uu ku Biiro isla markaas doorbidayo in uu sii Joogo kooxda Man United.

Kooxda Ingariiska ayaa la filayaa inay dib u dhigto go’aan kasta oo ay ka qaadan doonto mustaqbalka Ten Hag ee kooxda, ka dib finalka FA Cup oo ay la ciyaarayaan Manchester City 25-ka May.

Tani waxay ku soo aadeysaa, xilli Ten Hag ay aad u qadarineyso kooxda Bavaria, oo hogaamiyayaasheeda ay aaminsan yihiin in uu guulo waaweyn ku hogaamin karo kooxda hadii uu yimaado.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga