Enzo Maresca Oo U Jawaabay Dadka Sheegaya In Ay Chelsea Ku Jirto Tartanka Horyaalka Premier League.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Enzo Maresca ayaa ka hadlay fursadaha kooxdiisa ee tartanka horyaalka premier League.

Kooxda chelsea ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo badinaya kulamada.

Chelsea ayaa guuldaro la’aan ah 7-dii kulan ee ugu dambaysay horyaalka iyada oo 6 ka mid ah badisay.

Qaab ciyaareedka chelsea ayaa keentay in Blues loo saadaaliyo in ay ka mid tahay tartanka ku guulaysiga premier League.

Laakiin tababare Maresca ayaa meesha ka saaray in ay kooxdiisu u taramayso horyalaka premier Legaue xilli ciyaareedkan.

“Kuma jirno tartanka horyaalka”ayuu Maresca yidhi.

“Kuma jirno, aniga fikir ahaantayda”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga