Tababaraha Atlético Madrid, Diego Simeone, ayaa aragtidiisa ka dhiibtay qaab ciyaareedka Manchester United ee uu hoggaamiyo Michael Carrick, kaddib markii kooxdiisu ay 2-0 kaga adkaatay Red Devils kulan ka tirsanaa Champions League.
Atlético Madrid ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii koowaad, markii Pablo Barrios uu shabaqa soo taabtay, halka Ademola Lookman uu daqiiqaddii 79-aad xaqiijiyay guusha kooxda reer Spain. Manchester United ayaa sidoo kale ciyaarta ku dhamaysatay iyadoo toban ciyaaryahan ah, kaddib markii Leny Yoro casaan loo taagay daqiiqaddii 74-aad.
Simeone ayaa sheegay in Manchester United ay si wanaagsan u sameyso cadaadiska sare (high press), balse Atlético ay ka faa’iideysatay garbaha garoonka si ay u abuurto fursado weerar.
Dhanka kale, Michael Carrick ayaa sheegay in kooxdiisu ay heshay afar fursadood oo waaweyn oo goolal laga dhalin karay, isaga oo rumeysan in natiijadu ka duwanaan lahayd haddii fursadahaas la dhammeystiri lahaa.
Carrick wuxuu intaas ku daray in Manchester United ay ciyaarta si tartiib ah ula qabsatay, isla markaana ay qayb ka mid ah kulanka si wanaagsan u maamushay, balse goolkii degdegga ahaa iyo kaarka cas ay xaaladda ku adkeeyeen.
Guuldarradan ayaa sii kordhinaysa cadaadiska saaran Manchester United iyo tababare Michael Carrick, iyadoo kooxda looga baahan yahay inay wax ka beddesho natiijooyinkeeda iyo dhammeystirka fursadaha goolasha.

