DEG-DEG: Wakhtiga La Shaacin Doono Jadwalka Premier League Xilli Ciyaareedka Dambe Oo La Soo Saaray.

Kadib saacado kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka premier League 2023/2024 waxa durba la shaaciyay wakhtiga la soo saari doona jadwalka xilli ciyaareedka dambe.

Man City ayaa difaacan doonta horyaalka kadib markii ay ku guulaysteen xilli ciyaareedkii 4-aad o xidhiidh ah.

Waxa ay kooxaha ka qayb galaya tartanka xilli ciyaareedka dambe ayaa si fiican isku diyaarin doona suuqa xagaaga.

Leicster city Iyo Ipswich ayaa si Rasmi ah ugu soo dalacay premier League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha Southampton Iyo Leeds ayaa ku dagaalami doona booska dheeraadka ah ee 3-aad.

Jadwalka Premier League xilli ciyaareedka 2024/2025 ayaa la soo saari doonaa 18 Bisha June maalin Salaasa ah.

Dhamaan 380 kulan ayaa la soo saari doonaa 11 Barqanimo iyada oo kooxuhu dhamaantood ogaan doonaan jadwalka oo dhamaystiran

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga