DEG-DEG: Man United Oo Ka Hadhay Champions League.

Kooxda Man United ayaa noqotay kooxdii ugu  horaysay ee premier League ee ka hadha champions League xilli ciyaareedka dambe.

Man United oo wareegii Group-yada kaga hadhay tartanka champions League xilli ciyaareedkan ayaan ciyaari doonin tartanka xilli ciyaareedka dambe.

Tartanka Champions League oo loo ciyaari doono qaab cusub ayaa la xaqiijiyay in ayna Man United ka qayb ahaan doonin.

Rajada Man United ee u soo bixista champions League ayaa dhimatay kadib bar-barihii ay la gashay Burnley Sabtidii.

Sidoo kale bar-barihii ay Aston Villa la gashay Chelsea ayaa sii dishay rajadii United ee u soo bixista tartanka.

Man United ayaa 13 dhibcood ka dambaysa kooxda Aston Villa ee ku jirta kaalinta 4-aad iyada oo kaliya 3 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga