DEG-DEG: Man City & Chelsea Oo Farta Wadnaha Ku Haya, Sabab.

CHELSEA iyo Manchester City ayaa looga digay in laga saari karo tartanka premier League hadii lagu helo inay jabiyeen xeerka dhaqaale wanaaga.

Kooxda chelsea ayaa wajahaysa 115 Ganaax taas oo uu Premier League ku soo oogay bishii February 2023.

Waxaana la filayaa in Guddi Madaxbanaan ay bilaabaan dhageysiga dacwada dhamaadka deyrta.

Kooxda kaalinta 11-aad kaga jirta premier League ee hcelsea ayaan wali wax dacwad ah lagu soo oogin.

Laakiin xagaagii la soo dhaafay ayaa calaamadeeyay dhaqan xumo dhaqaale oo la sameeyay xilligii Roman Abramovich kaas oo arkay lacago laga sameeyay wakiilada xisaabaadka aan soo marin xisaabaadka kooxda.

Xisaabiyadii dhaqaale ee ugu dambeeyay ee kooxda Stamford Bridge ayaa muujiyay in £150m la qoondeeyay markii Todd Boehly iyo Co ay iibsadeen kooxda si ay u dabooshaan kharashaadka sharciga ah.

Hadda labada koox ee Prem ayaa loo sheegay in ay wajahayaan ganaax lagu soo rogo kadib markii Nottingham Forest laga jaray dhibco todobaadkan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga