DEG-DEG: Kevin De Bruyne Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Koox Sucuudi Ah.

Kevin De Bruyne ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis shaqsi ah la gaaray si uu ugu biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka Saudi Arabia ee Al-Ittihad.

Ka dib markii uu ku dhawaad ​​toban sano ku qaatay Etihad, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Belgium heshiiska uu haatan kula joogo kooxda ayaa lagu wadaa inuu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.

De Bruyne ayaa ahaa bartilmaameedka 1-aad ee horyaalka sucuudiga haatana maamulka kooxda Al-Ittihad ayaa dar-dar galinaya qorshohooda.

Sida laga soo xigtay Rudy Galetti, De Bruyne ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda sucuudiga ka ciyaarta.

Wadahadalada ayaa la sheegayaa in ay u socdaan kooxda si ay uga heshiiyaan qiimaha xiddiga 33 jirka ah.

Al-Ittihad oo dhawaan loo magacaabay tababarihii hore ee xulka France Laurent Blanc ayaa haysata xiddigo badan oo magac ku leh kubada cagta kana mid yihiin N’Golo Kante, Karim Benzema, Fabinho îyo Jota.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga