DEG-DEG: Inter Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Lautaro Martinez

Lautaro Martinez ayaa u saxiixay Inter Milan heshiis cusub oo shan sano ah ilaa xagaaga 2029.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa ku biiray kooxda reer Talyaani bishii July ee 2018 waxaana uu dhaliyay 129 gool lix xilli ciyaareed.

Martinez, oo 26 jir ah, ayaa todobo koob kula guuleystay Inter oo uu ku jiro horyaalka Seria A 2021 iyo 2024, halka uu ka caawiyay inay gaaraan finalka Champions League 2023.

Kooxda Inter ayaa Albaabka ka xidhatay kooxaha doonayay saxiixa xiddiga waxana ay hubisay in uu muddo sii joogay kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga