DEG-DEG: Darwin Nunez Oo Laga Saaray Waajibaadka Xulka Qarankiisa, Sabab.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Darwin Nunez ayaa dhaawac looga saaray waajibaadka xulkiisa qaranka ka hor fasaxa caalamiga ah.

Xiddigaha kubada cagta adduunka ayaa aadaya dalalkooda iyaga oo ka qayb qaadan doona waajibaadka xulalkooda.

Si kasta ha ahaatee Nunez ayaan aadi doonin waajibaadka xulka qarankiisa Uruguay sabab la xidhiidha dhaawaca soo gaadhay.

Saxafiga Fabrizio ROmano ayaa sheegaya in uu Nunez sii joogi doono Magaalada Liverpool kadib dhaawaca soo gaadhay.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in dhaawaca Nunez uuna ahayn mid halis ah laakiin uu muddo 10 maalin ah u baahan yahay si uu u soo kabsado.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga