DEG-DEG: Arsenal Oo La Xaqiijiyay In Ay Dhamaystirtay Saxiixeedii 2-aad.

Bologna ayaa xaqiijisay inuu ka tagayo daafaceeda Riccardo Calafiori, iyadoo agaasime Claudio Fenucci uu sheegay in kooxdu ay haatan suuqa ugu jirto daafac dhexe oo cusub.

Fenucci ayaa ku dhawaaqay bixitaanka Calafiori intii lagu jiray shirkii jaraa’id ee soo bandhigista saxiixa cusub Thjis Dallinga Jimcihii.

“Bixitaankii Calafiori ayaa nagu qasbaya inaan raadino daafac dhexe oo cusub,” ayuu yiri.

“Waxaan sugi doonaa dhamaadka suuqa kala iibsiga si aan u aragno waxa aan u baahanahay.”

Dhanka kale Calafiori ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Arsenal, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Talyaaniga la filayo inuu tijaabada caafimaadka u maro Gunners.

Qiimaha xiddigu ku kacayo ayaa lau soo waramayaa in uu yahay 45 milyan oo euro iyo waliba lacago gunooyin ah.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga